06/04/2026
Maanta waa maalin farxad iyo reyn reyn leh, waa maalin qiimo weyn ku leh qalbiyadeenna, maalin ay laba qalbi isku raaceen, laba qoysna isu soo dhowaadeen.
Waxaan si kal iyo laab ah hambalyo ugu diraynaa lammaanahan sharafta leh: # 🤍 iyo Kawsar Jamac Cabdilaahioo Waxan lenhy meher barakeysan.
Guurku waa sunnada Nabiga (NNKH), waa tiir ka mid ah nolosha bini’aadamka, waana jidka ugu wanaagsan ee lagu dhiso bulsho suuban oo xasiloon. Alle (SWT) wuxuu Qur’aankiisa ku yiri:"Wuxuu idinka abuuray naftiinna lammaanayaal si aad ugu heshaan xasilooni, wuxuuna dhexdiinna ka dhigay jacayl iyo naxariis."
Lammaanahan sharafta leh, waxaan idiin rajaynaynaa nolol ku dhisan:
Jacayl dhab ah oo sii kordha maalin kasta
Is faham iyo dulqaad joogto ah
Iimaan iyo Alle ka cabsi
Iyo kalsooni idin mideysa
Ha ogaadaan in guurku u baahan yahay dulqaad, is ixtiraam, iyo cafis. Ma jiro guri ka madhan imtixaan, laakiin guusha waxay ku jirtaa sida aad uga gudubtaan caqabadahaas.
Waxaan Alle (SWT) uga baryeynaa:
Inuu idinka dhigo lammaane khayr qaba
Inuu barakeeyo meherkiinna
Inuu idiinka dhigo kuwii is jecel aduun iyo aakhiro
Inuu idin siiyo ubad suuban oo diinta iyo dalkaba anfaca
18/03/2026
21/02/2026
28/12/2025
28/12/2025
28/12/2025