Dadkaygaw midnimo

Dadkaygaw midnimo

Share

midnimo maxaa kawanaagsan

26/03/2025

Isla-xisaabtabka nidaamka dawliga ah waa mid ku salaysan qiimeeyn qorshe la dhigtay oo salka ku haya awood ama tabar miisaaniyadeed, ee maaha mid cabbir looga dhigo baahiyo jira.

Baahiya shacabka Deegaanka haystaa way badan yihiin, marnana dawladu kuma doodin inay ka jawaabi karto dhamaan baahiyaha horumarka ee shacabku qabaan. Waxay ka jawaabaysaa kuwa ay u aragtay in lagu wajihi karo tabarta la hayo.

Waxaa si joogta ah goloyaasha awooda iyo masuuliyadda u leh qiimeeynta waxqabadka xukuumadda lala wadaagaa qorshaha xukuumadda, wixii fulay, waxaan fulin, caqabadaha lala kulmay, goldoloolooyinka jira iyo talaabooyinkii la qaaday si looga gudbo caqabadaha.

Waxaa dhawaanahan muuqda kooxo sawaxankii horaantii Isbadalka ina hadheeyay wax u eg miciin biday oo raba inay baahiyo jira iyo dhacdooyin maalin la’ ku cabbiraan waxqabadka Xukuumadda Isbadalka.

Sawaxankaas waxaa barbar socda isku day in la aamusiiyo cidii soo bandhigta xog ka duwan ta dhaliil-sheega ku salaysan ee qorshe, tabar iyo duruufaha dalka iyo dunida ee guud midna aan tixgalinayn. Waxaad moodaa ujeeddadu inay tahay aan hadalno ee yaan nalaga garab hadlin ama shacabka loo soo bandhigin wax ka duwan waxa aan rabno inaan u sheegno.

Waxay muujinaysaa dulqaad yarida iyo macangagnimadda kooxaha ku mashquulsan dhaliil-sheega oo sida muuqata hadii ay iyagu xilka hayn lahaayeen laga yaabo in ayna ogolaadeen cid ka aragti duwan inay hadashaba!

Xukuumaddu way sii xoojin la wadaaga shacabka qorshayaasheeda, waxqabadkeeda, iyo caqabadaha ay wajahdo. Wayna dhagaysan falcelinta shacabka iyo dhaliisha ku qotonta sixidda.

W/q madaxwaynaha dds

24/03/2025

W/Q Madaxwayne Mustafe

Waxyaalaha kor loo qaaday ee Isbadalkii kadib wax wayn ka taray koboca dhaqaalaha Deegaanka iyo shaqo-abuurka waxaa ka mid ah Ganacsiga, kadib markii la hirgaliyay nidaamka ganacasiga xorta ah meeshana laga saaray ganacsigii dad gaar ah loo xidhi jiray. Taasi waxay dhiirigelisay in dad badan ku soo biiraan ganacsiga. Intii ka horaysay Isbadalka Deegaanka waxaa shatiga ganacsiga haystay ganacsato gaadhaysa 26,000, halka 6dii sano ee u dambeeyay ay ku soo biireen 61,000 oo ganacsato cusub ah.

Ganacsiga xorta ah wuxuu abuura tartan caafimaad qaba iyo hal-abuur xagga adeega ah oo dan u ah shacabka. Tu’saale ahaan Isbadalka ka hor ma jirin shirkado gaadiidka dadwaynaha oo hab casri ah u adeega, halka maanta deeganka ay ka jiraan 14 shirkadood oo bulshada siiya adeeg casri ah (safarada dhaadheer iyo kuwa gaagaabaanba).

Lix sano ka hor Gaadiiidka Deegaanka ee sharciyeyaysanaa wuxuu ahaa 1980 maantana wuxuu marayaa 37,000. Adeegaa soo kordhay iyo biloowga fiican ee ka jira dhanka Jidadka la dhisay wuxuu suuragaliyay in sanadkiiba tiro dad ah oo gaadhaya 3.2 milyan ay u kala gooshaan Goboladda iyo Magaalooyinka Deegaanka, halka ay Isbadalka ka hor ka ahayd 1.2 milyan sanadkiiba.

Iyadoo taa maskaxda ku haysa Xukuumaddu waxay xoogga saari doontaa sidii loo taageeri lahaa ganacsatadda, loona yarayn lahaa caqabadaha ay la kulmaan.

09/03/2025
25/02/2025

: Duqeyn diyaaradeed ayaa goor dhaw lala beegsaday Saldhiga ugu weyn ee Kooxda argagixisada Daa1cish ku lahayd Soomaaliya,gaar ahaana Buuraleyda Calmiskaat oo ah deegaanka Miraale, waxaana fuliyey dawladda Imaaraatka Carabta oo ah saaxiibka Puntland ee ku taageeray gulufka Calmiskaat.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in 20 kamid ahaa kooxdan Argagixiso duqeyntan lagu dilay, 24kii saac lasoo dhaafay Dhadaar & Miiraale ayay ka firxanayeen argagixisada, iyagoo u diga rogtay dhanka Ceelka WANGABLE oo ka tirsan degmada Qandala una jira masaafo dhan 25KM.

Wajiga 2aad ee Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Calmiskaat ayaa kusii siqaya dhammaad, iyadoo kan 3aad lagali doono oo sifeynta cadowga.
Wq/ Farah cabdiqadir

25/02/2025

Wasiirka Xafiiska Biyaha ee DDS oo kulan la qaatey Masuuliyiinta Hay’ada UNICEF .

Wasiirka Xafiiska Biyaha DDS Inj. Axmed Ugaas Miraad Leyli ayaa kulan la qaatey Masuuliyiinta hay’ada UNICEF oo ugu horeeyey Dr. Ibrahim Siisee oo ah madaxa Hay’ada ee Deegaanka .

Masuuliyiinta ayaa ka wadahadley shaqooyinka dhanka biyaha ah ee ay Hay’adu maalgaliso iyo sidii la isaga kaashan lahaa dhanka ka jawaabida Abaaraha iyo ka shaqeysiinta Ceelasha la qodey ee afka ka xidhan .

Wasiirka ayaa uga mahadnaqey shaqooyinka balaadhan ee dhanka Biyaha ah ee ay Hay’adu Deegaanka ka wado Iyadoo oo uu kala dardaarmey iney xoojiyaan dadaalkaas.

25/02/2025

Dawlada Puntland ee uu hoogamiyo Madaxweyne Siciid Cabdilaahi Deni ayaa guulo hor leh ka gaadhay cidhibtirka kooxaha naftood haligayaasha ah ee Buuraha ku dhuumalaysanayay.

Ciidamada Puntland ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay ku Jiray Dagaalkan oo dhulkii ugu badnaa ee ay haysteen naftood haligayaashu ay ku xoreeyen.

25/02/2025

Illaahay ha rumeeyo warka sheegaya in dadqalkii Ugus Abwaan Negeeye ahaa la dilay.

WQ/ bakayle media

25/02/2025

Asc
Waxaan Booqanay Magaalada jabuti ee Dalka DJabuti Safarkan oo ay Ujeedadiisu ahayd xoojinta Xidhiidhka Laba shacab ee walalaha ah ee dhanka Dhaqalaha,Nabadgalyada iyo Arrimaha Bulshada.
Inta aan safarkan ku jiray Waxaan Booqanay Dakadaha(Ports) iyo Goobaha Cashuuraha Ka caagan(free Zones) oo Runtii Diyaar u ah inay adeeg dhamaystiran siiyaan Bulshada Geeska afrika.
Waxaan Booqanay Rugta Ganacsiga Dalka Djabuti taas oo Malgashadaya Dalka Djabuti ugu soo Jeedinay Fursadaha Maalgashida Dalka, Deegaanka iyo Caasimadaba kajira.
Waxaan Booqanay xafiiska Duqa Magaalada Jabuuti ee Dalkaas DJabuti.
Ugu Damabay waxaan isla Qaadanay in
1. fursadaha Malgashiga Dalkeena laga Faa,iidaysto Gaar ahaan Kuwa Deegaanka somalida.
2. In Tababaro la siiyo Ganacsatada Dalkeena Itoobiya Gaar ahaan Kuwa Deegaanka si kor loogu qaado Awooda Ganacsatada ee Dhanka Fahanka isticmaalka Dakadaha iyo Goobaha Cashuuraha ka caagan(Free Zones) ee Dalkan Djabuti.
3.In Magaalada Jabuuti iyo Magaalada jigjiga la mataneeyo Si ay ugu sameeyaan iskaashi Meelo badan leh.
Runtii waxaan Soo Aragnay Bulsho wanaagsan oo leh Aqoon iyo Dhaqaale wax wayn ka taraya Maalgashida DDS iyo Guud ahaan kan dalkeena.
Islamarkana Diyaariyay adeeg(Facility) dhamaystiran oo sahlaya Dhoofinta(export) iyo Soo Dajinta(Import) ee Geeska afrika.

23/02/2025

Bad baado bad baado Ayaan in badan kaa Maqli jirnay ee ma billowdeen imikana

Photos from Dadkaygaw midnimo's post 23/02/2025

Wafdi sare oo ka socda Dawlad Deegaanka Soomaalida oo uu hoggaaminayo Wasiirka Xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka DDS, Mudane C/xakiin Sh. Xasan Cali ayaa booqasho rasmi ah ku tagay dalka Jabuuti, kaddib martiqaad rasmi ah oo ay ka heleen maamulka dekedaha Jabuuti.

Wafdigan ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Xafiiska Maalgashiga iyo Warshadaha DDS Mudane Axmed Rashiid, Duqa Magaalada Jigjiga Eng. Shaafi Axmed Macalin, xubno ka socda rugta ganacsiga Jigjiga, iyo ganacsato ka tirsan Deegaanka. Ujeeddada booqashadan muhiimka ah ayaa ahayd xoojinta iskaashiga ganacsi iyo dhaqaale ee u dhexeeya DDS iyo Jabuuti, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray horumarinta ganacsiga xuduudaha, fududaynta maalgalinta iyo kobcinta fursadaha dhaqaale ee labada dhinac.

Wafdigu waxa ay kulan gaar ah la yeesheen maareeyaha guud ee dekedaha Jabuuti, Mudane Abubakar Cumar, iyagoo si qoto dheer uga wada hadlay doorka istaraatajiga ah ee dekedaha Jabuuti ay ku leeyihiin kobcinta dhaqaalaha DDS, intaa kadib wafdigu waxay booqdeen dekadaha kala duwan ee Jabuuti, halkaas oo ay indho'indheeyeen adeegyadooda casriga ah iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee sare u qaadaya ganacsiga iyo maalgalinta.

Booqashadan oo ah tallaabo istaraataji ah ayaa sare u qaadaysa wada shaqaynta labada dhinac, iyada oo fursad weyn u ah kobcinta ganacsiga xuduudaha, fududeynta dhaqdhaqaaqa badeecadaha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. Martiqaadkan uu Maamulka Dekedaha Jabuuti u fidiyay wafdiga DDS wuxuu muujinayaa xiriirka dhow ee ka dhexeeya labada dhinac iyo sida ay uga go'an tahay xoojinta iskaashiga istaraatajiga ah ee ganacsiga iyo dhaqaalaha.

SRTV Somali

23/02/2025

Loogada cusub ee jaamacada jigjiga

Photos from Dadkaygaw midnimo's post 23/02/2025

Waxaa maanta qalin jabiyay oo dhameeyay quraankii Xidiga Hargelle wuxuuna dhameeyay 15 jus oo quraanka kariimka ah, waa guul wayn oo uu mudanyahay in la bogaadiyo looguna hambalyeeyo.

Cilmigaas iyo quraankaas aad baratay Ilaahay hakugu anfaco adeer oo noqo mid diintiisa iyo dadkiisa u horseeda khayr iyo wanaag.

Want your school to be the top-listed School/college in Addis Ababa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address

Jigjiga
Addis Ababa