11/12/2023
Waxaa Maanta Ka Qabsoomay Madasha Kulamada Ee Kuliyada Xirfadaha iyo Farsamada Ee Fiiq Kulankii Unug Aasiga Xisbiga Barwaaqo Ee shaqaalaha Kuliyada Xirfadaha iyo Farsamada Ee Fiiq.
Kulankaas oo ay kasoo qayb galeen Hogaaminta Xisbiga Ee Gobolka Erer ,Hormuudka Kuliyada iyo Unug Aas-Aasiga iyo Unug Hoosaadka Xisbiga Barwaaqo Ee shaqaalaha Kuliyada Xirfadaha Iyo Farsamada Ee Fiiq ayaa lagu Gorfaynayay Sidii loo Dardar galin lahaa Adeeg bixinta Bulshada, Shaqo Galka Xafiisyada iyo sidii Loo soo saari lahaa Arday Ku hubaysan Xirfado kala Duwan Maadaamo Jihada Xisbiga Barwaaqo qaatay yahay Dhimista Saboolnimada iyo Kor uqaadida Barashada Xirfadaha Kala duwan iyo soo Saarista Jiil Ku hubaysan Xirfado kala duwan.
Gabagabadii Kulanka Hogaaminta Xisbiga Gobolka ayaa Dib uhabayn ku sameeyay Unug Aas-Aasiga Xisbiga Barwaaqo Ee shaqaalaha Kuliyada Xirfadaha iyo Farsamada Ee Fiiq halkaas oo Cod buuxa lagu ansixiyay Xubnihii lagu Doortay Kulankaas ee Hogaamin Doona Unug Aas-aasiga iyo Unug hoosaadada Xisbiga Barwaaqo Ee shaqaalaha Kuliyada.