27/12/2025
Ardayahay dadaala, dugsiyada waxbarashada aadna u tixgeliya. Waxbarashadu waa iftiinka nolosha, waa furaha horumarka iyo guusha mustaqbalka. Qof aan waxbaran waa sida qof indho la’, halka kan wax bartaa uu yahay kan jidkiisa garanaya.
Ku dadaala akhriska, edaabta, iyo ixtiraamka macallimiinta iyo waalidiinta. Ogow in waxbarashadu ay dhisto maskaxda, dabeecadda, iyo karaamada qofka, isla markaana ay horseed u noqoto horumar bulsho iyo mid qaran. Mustaqbalkiinnu wuxuu ku jiraa aqoonta aad maanta kasbanaysaan.