18/10/2026
Oooooh wuu duulahayyaayee... wuuna is laba-rogahayyaa
Suxuunta duusha ayaan maqli jirnay, hadda waa gawaadhida duusha.
Elon Musk ayaa soo saaray gaadhi ay ugu magac dareen Tesla Roadster, oo ay ku tilmaameen in uu duulahayyo isla markaana uu is laba rogahayyo, isagoo adeegsanaya farsamooyin iyo hal-buuro laga soo dheehday isla shirkadiisa kale ee SpaceX.
2-da farsamo ee ugu weyn ee laga soo bandhigay Tesla Roadster nuqulkiisa 2-aad, waa in uu si maqluub ah, ama si rogan uu u socon karo, iyo in uu duuli karo, amaba bootin dhexdhexaad ah samayn karo.
Horta bandhigan ay ku soo badhigeen gobolka labaad ee ugu weyn maraykanyka ee Texas run buu ahaa, oo AI ma ahayn, oo goob-joogayaashii baa taa markhaati nooga ah, oo muuqaalo kala duwan ka duubay.
Hase ahaatee waxay dood badan ka taagan tahay waxa uu ahaa, ma gaadhi buu ahaa? ma caag buu ahaa? ma kartoon buu ahaa? muxuu ahaa waxan aan xeerarkii fiisigiska iyo Newton iyo Einstein tixgalinaynin ee baal-maray, ee aan xitaa la arag darawalkii waday?
Wuxuuna bandhigan isku darsaday layaab iyo xoogaa shaki ah, alaabtan oo kale markii la joogo suuqa dhaqaalaha iyo maalgashiga waxaa la dhahaa "Showcasing Potential" hadii aan soomaaliyeenana waa in aad murqahaaga u soo bandhigtid maalgashadayaasha iyo dadka aad dano-wadaag tihiin si ay kuu maalgashadaan.
Sida ay u badan tahayna waa sidaa, ileen waa tan iska caddee, hadda gaadhigan faa'ido dhab ah oo la taaban karo miyay kula tahay in uu nolosheena dhabta ah ku yeelan karo?
Bal suuragso? adeegsiyada uu yeelan karo gaadhi noocan oo kale ah? Horta waaba su'aalee halkeed ka halaysaa waddo foorar ah, ama waddo aad si maqluub ah ugu socon karo?
Waa tan labaadee, duulitaan marka ay timaado, in intee le'eg baad hawadda ku jiraysaa? mase kugu simayaa meel wacan oo aad ku soo dagi karo? intaas waxaa dheer, dawladuhu ma ogolaan doonaan gaadiid sidan ah? yaase idin kala damaanad qaadaya adiga oo raba in aad hadda duusho, iyo gaadhi kale oo isna isla daqiiqadaas raba in uu isla jihadaada oo kale u soo duulo? yaa idin kala nidaminaya? iyo kumanaan su'aal oo hortaagan, oo ay ugu horrayso horta ma gaadhi buu ahaa wixii aanu aragnay?
Si kooban waa murqo-muujin uun iyo in maalgashadayaal cususb la soo jiito, iyadoo loo sheegayo in hogaanka mustaqblka gawaadhida ay Tesla tahay, qofkii aaminana oo wax ku maalgashta uusna ku hungoobaynin.
Hase ahaatee su'aal kale ayaa hadana na hor taala, gaadhigan duulayaba intaan meel iska dhigno, horta baahidii loo qabay in gaadhi la iibsado ma sii jiri doontaa sanadaha soo socda mise ma jiri doonto?
Bal is-waydii? horta baahida keenaysa in aad gaadhi u baahataa waa maxay? in aad shaqada ku tagto?, safarada gaagaaban ku gasho, caruruta iskuulka uga keento, ku soo adeegato, iwm soo ma ahan?
Lk hadii aanu mustaqbalka il dheer ku eegno waxaa noo soo baxaysa in ay wax waliba dhijitaal noqonayaan, oo aadan u baahanaynin xitaa inaad gurigaaga ka baxdo, gurigaaga adigoo joogo ayaad ka soo shaqo tagaysaa, gurigaaga aidgoo jooga ayaad ka adeegansyaa oo cuntada iyo raashiinkaba online ahaan u dalbanaysaa, gurigaaga aidgoo jooga ayaad jaamacadaha adduuunka kuwa ugu wax tarka badan wax ka baranaysaa.
Markaa markii si loo eego baahidii loo qabay gaadhiga marba marka ka danbaysa way soo yaraanaysaa, in kastoo ay adag tahay in ay 0% noqoto, hadana sidii h**e ma ahaanayso.
Bal adigan akhristaha ah qeybta fallada nagula wadaag sida aad u aragto gaadhigan iyo si guud mustaqbalka gawaadhida?