Xirfadlay

Xirfadlay Xirfadlay provides high-quality Somali courses in business, technology, crypto, finance, digital skills, and professional growth—helping you learn and succeed.

Cryptocurrency iyo waxa kala haysta soomaalida...Lacagtu mar waxay ahayd jirtay xoolo, hadhuudh iyo alaab la isku beddel...
28/08/2026

Cryptocurrency iyo waxa kala haysta soomaalida...

Lacagtu mar waxay ahayd jirtay xoolo, hadhuudh iyo alaab la isku beddelo, ka dib waxay u guurtay shilimaad bir ah oo dahab iyo qalin ka samaysan, markii dambena xaashiyo iyo kaadhadh bangi.

Maanta waxaanu markhaati ka nahay wajigii ugu danbeeyay kaasoo ah Cryptocurrency.

Dad badan markay maqlaan Crypto ama Bitcoin, waxaa horteooda yimaada labo fikradood oo kala daran:
1️⃣: in ay tahay fursad markiiba hodan lagu noqdo
2️⃣: ama in ay tahay wax SCAM ah oo lacagta lagu lunsado.

Labadaas fikradoodna midna sax ma aha, waana dabinka ay had iyo jeer ku dhacaan kuwa aan aqoonta fiican u lahayn suuqan.

Sababta ay dad badan oo Soomaali ah lacagahooda ugu waayaan suuqa Crypto-da ma aha in suuqu xun yahay ama uu SCAM yahay, ee waa in ku dhawaad 85% dadka soo galaa suuqan ay si indho la'aan ah u soo galaan iyagoo dheeran, kadib markii ay arkeen dhowr kor-u-kac oo uu suuqani sameeyay.

Halkii ay ahayd inu ku qalabaysnaadaan aqooon sal adag ku fadhida oo majoor ah.

Ma taqaan sida loo qiimeeyo mashruuc Crypto ka hor inta aadan maalgashan? Ma garanaysaa farqiga u dhexeeya Market Cap, Volume, Max Supply iyo Circulation Supply?...... Ma ka warhaysaa sida loo ilaashado furahaaga gaarka ah si aan lacagtaada loo dhicin?

Si aad aqoon sax ah oo aasaas ilaa heer sare ah uga hesho suuqan, dugsiga wuxuu kuugu talogsahay koorsada dhamaystiran ee "Somali Cryptocurrency Course: Crypto Bilow ilaa Dhammaad".

Koorsadan oo ka kooban 70 cashar oo si habsami leh kuu dhisaya, waxaad ku baran doontaa:

✅ Aasaaska iyo taariikhda Blockchain iyo Cryptocurrencies.
✅ Sida loo adeegsado jeebadaha dhijitaalka ah ee aaminka ah sida Metamask.
✅ Sida loo isticmaalo madallada waaweyn ee lacagaha lagu kala beddelo sida Binance iyo Crypto com.
✅ Sida Soomaalida dalka ku sugani u iabsan karaan ama u sell gareyn karaan lacagaha dhijitaalka ah.
✅ Sida loo isticmaalo TradingView iyo falanqaynta bilowga ah ee jaantusyada.
✅ Habab wax ku ool ah oo lacag loogu sameeyo Crypto iyo sida looga baaqsado khiyaanooyinka suuqa ka jira.

Ugu dambayntii, uma baahnid wax aqoon h**e ah ama farsamo h**e oo aad u leedahay Crypto-da, wax walba eber ayaa lagaaga bilaabayaa iyadoo looguugu fasirayo afkaaga hooyo oo aad u fudud.

Qeybta Faallada eeg ⬇️.

Luqadda Ingiriiska sideed isku tihiin?Luqadda Ingiriisku waa adduunka maanta uu ku wada hadlo, waa run in kastoo aad moo...
27/08/2026

Luqadda Ingiriiska sideed isku tihiin?

Luqadda Ingiriisku waa adduunka maanta uu ku wada hadlo, waa run in kastoo aad moodo in uu muhiimadiisii wayneed lumiyay sababo la xidhiidha aaladaha wax turjuma oo soo battay oo ay ugu wacan tahay AI-ga, hadana lama odhan karo waa laga maarmi karaa.

Waayo aqoonta inteeda badani gaar ahaan maaddiga, waliba teeda wax ku oolka ahi waxay ku qoran yihiin af ingiriisi, hadii aadan aqooninna si baad moodaa inaad uga arradan tahay.

Sidoo kale afka ingiriisiu waa afka waa mid ka mid ah afafka ugu badan ee dunida loogala hadlo, waana af watta fursadihiisa.

Marar badan waxaa dhacda inaad weydo shaqo aad xirfaddeeda leedahay, kaliya inaadan aqoonin af ingiriisiga, ama cabsi aad ka qabto inaadan isfahmin dadka aad u shaqayn lahayd.

Haddaba warka fiicani wuxuu yahay inaad cabsidaas ka gudbi karto, koorsadan "Complete English Grammar & Tenses: Beginner to Advanced" adiga ayaa laguu diyaariyay.

Waa koorso tallaabo-tallaabo ah oo kaa soo bilaabaysa aasaaska illaa aad ka gaadhayso heer aad si faseex ah u adeegsato weedhaha qallafsan iyo xeerarka sare ee luuqadda. Waxaa si gaar ah loogu talogalay dadka aan luuqadda u dhalan si ay si fudud u fahmaan.

Koorsadan waxaad si qoto dheer ugu baran doontaa dhammaan qaybaha Tenses-ka iyo sida loo kala isticmaalo. Waxaad baran doontaa dhismaha weedho macno leh oo ka madax-bannaan khaladaadka caanka ah.

Sidoo kale, waxaad fahmi doontaa farqiga u dhexeeya Active Voice iyo Passive Voice si hadalkaagu u noqdo mid xirfadaysan, adiga oo baranaya xeerarka calaamadaha qoraalka oo qoraalkaaga ka dhigaya mid nadiif ah. Tani waxay kuu noqon doontaa diyaargarow buuxa haddii aad hiigsanayso imtixaannada caalamiga ah sida IELTS iyo TOEFL.

Ha oggolaan in naxwe khaldan uu kaa hor istaago fursadaha aad u qalanto. Koorsadan waxaa loogu talo galay qof ay wax u bilaaban yihiin, waayo af ingiriisi bay iyadu laftigeeda ku baxaysaa.

Safarkaaga aqooneed halkan ha ka bilowdo. Booqo bogga koorsada, oo halkaa ka daawo muuqaalka hordhaca ah ee ku saabsan koorsada.

Wixii talo iyo caawimaad ahna kala-sheekayso caawiyaheena cusub ee "Xirfadlay AI Support", kaasoo 24-ka saacba heegan kuugu ah dugsigeena XIRFADLAY.

Qaybta Faaladda ⬇️.

H**e ma iskula adeegsatay Wordpress iyo Elementor iyo AI?Waa layaab soo ma ahan?WordPress waa mid ka mid ah hababka ugu ...
26/08/2026

H**e ma iskula adeegsatay Wordpress iyo Elementor iyo AI?

Waa layaab soo ma ahan?

WordPress waa mid ka mid ah hababka ugu caansan dunida uguna fudud ee loo adeegsado dhismaha website casri ah, iyadoo aanay xitaa kaaga baahnayn inaad aqoon h**e u leedahay coding-ka ama programming-ka.

Waxaana kaalayn weyn ka gaystay Elementor Page Builder oo ah Plugin aan innnnnnnba caadi ahayn, oo si fudud Drag and Drop ugu dhisaya website-ka oo dhan, halkii aad code madaxa ku wareeriya ka qori lahayd.

Kaagama baahan in aad single line of code qorto haba yaraatee, waa soo jiid, sii jiid uun. Sidaas oo ay tahayna waxaa safarkaaga kugu wehelinaya wax aynaan ka fursan karin waana AI-ga.

Si aad haddaba u barato sida website qurux badan WordPress loogu dhiso, oo soo jiidasho leh, isla markaana si kaalay arag ah u shaqeenaya, iyadoo loo marayo Elementor Page Builder, isla markaana la kaashanayo AI-ga, waxaan kuugu bishaaraynaynaa koorsadeenan cusub ee "Web Design with WordPress, Elementor & AI" oo heer sare leh loguugu diyaariyay.

Koorsadan oo ka kooban 37 cashar oo si qoto dheer leh loo qaabeeyay, waxaad ku baran doontaa:

✅ Aasaaska iyo qoto-dheeraanta uu leeyahay CMS-ka ugu caansan dunida ee WordPress.
✅ Sida loo adeegsado Elementor Page Builder iyo sida loogu abuuro pages quxur badan.
✅ Awoodda AI-ga oo aad u adeegsan doonto inaad ku kordhiso wax-soo-saarkaaga.
✅ Jawi ama deegaan gabi ahaantii bilaash ah, oo kombuyuutarkaaga dhexdiisa ah, adigoon wax kharash ah ku bixin domain ama hosting.
✅ Kayd buuxa oo ay ku jiraan sawirro tayo sare leh, qoraallada website-ka, iyo midabo h**e u diyaarsan, oo just ku sugaya uun.

Koorsadani waa isku-goosad wixii la odhan jiray, waxaa ku dhan Wordpress oo ah CMS-ka ugu caansan dunida, iyo Elementor oo ah Page Builder aan haba yaraatee kaaga baahnayn coding, iyo yaa kale hee? AI-ga oo aynu ka wada dharagsanahay wuxuu yahay.

Waxa aad maanta barato, waa miraha aad berri guran doonto. Ha lumin wakhti kale, isla hadda booqo bogga koorsada, oo daawo muuqaalkeeda hordhaca ah ka hor inta aadan iska diiwaan-galin.

Comment-ga ka eeg.

Bariyo h**e, sameynta muuqaal tayo sare leh ama filim gaaban oo muuqaal ahaan soo jiidasho leh, waxay kaaga baahanayd kh...
25/08/2026

Bariyo h**e, sameynta muuqaal tayo sare leh ama filim gaaban oo muuqaal ahaan soo jiidasho leh, waxay kaaga baahanayd kharash badan, kamarado qaali ah, istuudyo habaysan, iyo sannado aad baranayso farsamada muuqaal-habaynta.

Maanta se dunidu halkaas ma joogto, maadaama garaad-gacmeedka AI uu gabi ahaanba beddelay hannaankii loo samayn jiray muuqaallada.

Miyaad rumaysan kartaa in aad maanta fikrad ama qoraal yar oo maankaaga ku jira oo keliya ka samayn karto muuqaal tayadiisu u dhigma filimada waaweyn, adiga oo aan hal doolar ka bixin kamarad, isla markaana aan isticmaalin istuudyo, ama aan aqoon u lahayn barnaamijyada adag ee muuqaal-habaynta?

Koorsada Veo 3 AI Video Mastery waxay ku baraysaa sida aad u adeegsan lahayd aaladaha ugu dambeeyay ee AI sida Google Veo 3, Gemini, iyo Flow.

Koorsadan oo ka kooban 12 cashar oo loo habaysay qaab sahal ah oo uu qof kasta oo bilow ah u fahmi karo, waxaad ku baran doontaa:

✅ Sida qoraal ama sawirro loogu beddelo muuqaallo tayo sare leh.
✅ Sida loo dhowro muuqaalka jilaaga ama walxaha si ay taxanahaaga oo dhan isugu waafaqaan.
✅ Sida loo sameeyo muuqaallada xayeysiisyada ganacsiga, sida xayeysiinta biyaha Golis Purified Water iyo kuwo kale.
✅ Sida calaamaddaada ganacsi loogu daro muuqaallada aad samayso iyadoo la adeegsanayo Nano Banana.
✅ Sida loo curiyo amarada adag ee AI si aad u maamulto muuqaal walba oo aad rabto.

Haddii aad tahay qof xiiseeya content creation-ka, ama suuqgeynta ku jira, ama ganacsade doonaya in uu meel sare u qaado xayeysiisyada ganacsigiisa, xirfaddani waa mid ka mid ah kuwa ugu doonista badan suuqa maanta.

Ha sugin inta ay duruufuhu ka hagaagayaan ama ay wax isugu toosayso. Isla maantaba u kabaabuxso sidii aad u beddeli lahayd maantaada, oo booqo bogga koorsada, daawana muuqaalka hordhaca ah, ama si toos ah ula sheekayso caawiyaheena cusub ee "Xirfadlay AI Support", kaas oo 24-ka saacba heegan kuugu ah dugsigeena XIRFADLAY.

💬 **Fariin arday nooga timid**Ahmed Kamaal Maxamed ayaa nala wadaagay khibraddiisa iyo aqoonta uu ka helay Xirfadlay.Far...
24/08/2026

💬 **Fariin arday nooga timid**

Ahmed Kamaal Maxamed ayaa nala wadaagay khibraddiisa iyo aqoonta uu ka helay Xirfadlay.

Farxadda ugu weyn waxay noo tahay marka ardaydeennu aysan casharrada kaliyah daawan, balse aqoonta ay bartaan ay si practical ah ugu isticmaalaan shaqadooda iyo nolol maalmeedkooda.

Mahadsanid Ahmed. 💙

**Bara xirfad, dhiso mustaqbal.**

24/08/2026

Somali Cryptocurrency Course – Crypto Bilow ilaa Dhammaad.

Course-kan waxaad ku baranaysaa Cryptocurrency bilow ilaa dhammaad. Waxaad baranaysaa Bitcoin, Blockchain, Wallets, Exchanges, sida Crypto loo iibsado loona kaydiyo, Market Cap, TradingView iyo waxyaabaha muhiimka ah ee aad u baahan tahay si aad si fiican ugu fahanto suuqa Crypto-ga.

23/08/2026

Ku baro xirfada video editing muddo kooban oo ku shaqeyso 👏

23/08/2026

Crypto Trading Course Somali – Baro Crypto Trading Bilow ilaa Advanced.

Course-kan waxaad ku baranaysaa Crypto Trading bilow ilaa dhammaad. Waxaad baranaysaa market analysis, technical & fundamental analysis, risk management, Spot & Futures Trading, iyo strategies kaa caawinaya inaad si fiican u fahanto suuqa Crypto-ga.

Suuqii wali cagaar xoogan baa hareereeyay. Soo kabasho fiicanna waa laga dareemayaa.Ee ma ka qadan tahay adigu?Crypto-da...
23/08/2026

Suuqii wali cagaar xoogan baa hareereeyay. Soo kabasho fiicanna waa laga dareemayaa.

Ee ma ka qadan tahay adigu?

Crypto-da sida lacag looga sameeyo ma ahan oo kaliya in aad maalgashato, sidoo kale waxaa jirta hab kale oo la yidhaahdo "Trading" oo ah inaad ka trade-gareeso suuqan, si maalinle ah, ama todobaadle ah, amaba bille ah.

Crypto Trading waa mid ka mid ah fursadaha ugu waaweyn ee xilligan laga faa'ido, laakiin adigoo aan lahayn aqoon sax ah iyo xeelado qoto dheer, khasaarahaaga ayaa ka badan doona faa'iidadaada.

Markaasaad odhan doontaa suuqani waa "SCAM".

Dugsiga Xirfadlay wuxuu kuugu bushaaraynayaa koorsada dhamaystiran ee "Crypto Trading Course Somali". Koorsadan oo ka kooban 59 dersi, waxay si tallaabo tallaabo ah kaaga dhisaysaa aasaaska ugu hooseeya ilaa aad ka gaarto heer aad u ganacsato sida xirfadlayaasha.

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee aad koorsadan ku baran doonto waxaa ka mid ah:

✅ Aasaaska suuqyada Crypto-ga, farqiga u dhexeeya CEX iyo DEX, iyo amniga Boorsooyinka sida Hot iyo Cold Wallets.
✅ Qaabka loo samaysto loona sugo akoonnada beddelka lacagaha sida Binance iyo Coinbase iyo habka KYC iyo AML.
✅ Barashada hannaanka Trading-ka sida Spot, Margin, Long iyo Short Positions, iyo Noocyada Orders-ka.
✅ Falanqaynta Farsamada ama Technical Analysis adigoo adeegsanaya TradingView, Trends, Candlestick Charts, Indicators, iyo Volume Analysis.
✅ Maamulidda khatarta ama Risk Management iyo xeeladaha looga fogaado go'aannada ku dhisan caadifadda.

Koorsadan oo loogu talagalay dadka bilowga ah ilaa kuwa dhexe waxay hadda ku joogtaa qiimo dhimis gaar ah oo ah 15%. Ogoow maalgashiga ugu weyn ee aad samayn kartaa waa inaad maskaxdaada ku quudiso xirfado casri ah oo nolol maalmeedkaaga beddeli kara.

Waxa aad maanta barato waa miraha aad berri guran doonto. Ha lumin wakhti kale, isla hadda booqo bogga koorsada oo daawo muuqaalkeeda hordhaca ah ka hor inta aadan iska diiwaan galin.

Qeybta faallada ka eeg.

Adres

Ringlaan 17/A
Brecht
2960

Meldingen

Wees de eerste die het weet en laat ons u een e-mail sturen wanneer Xirfadlay nieuws en promoties plaatst. Uw e-mailadres wordt niet voor andere doeleinden gebruikt en u kunt zich op elk gewenst moment afmelden.

Contact De Scholen

Stuur een bericht naar Xirfadlay:

Snelkoppelingen

Delen