22/11/2022
Xaflad lagu maamuusayey Maalinta macalimiinta Soomaaliyeed ee 21 November ayaa lagu qabtey dugsiga
Waxaana soo qaban-qaabiyey ardeyda dugsiga Bacaadweyn iyagoo oo ay ardeydu Xuseen qiimaha macalinku uleeyahay bulshada
Ugu dambeyntii waxay ardeydu halkaasi ku gudoonsiiyeen macalimiintooda Abaalmarino
Hambalyo maalinta macallinka Soomaliyeed
01/11/2022
Gudigii diiwaangalinta iyo kormeerka ee wasaaradda waxbarashada Dawladda Puntland oo shaqo ku yimid dugsiga hoose/dhexe ee bacaadweyn
Shaqadaas ka dib waxa uu guddigu shahaado gudoonsiiyay maamulka dugsiga shaqadii wanaagsanayd oo ay ka qabteen dugsiga, hufnaanta maamul iyo waxbarasho shahaadadaas oo ay dhibcaheedu ahaayeen kuwo sare oo "A "ah
Wabilaahi tawfiiq
12/10/2022
Maalinta calanka Soomaaliyeed ee 12 October oo laga xusay dugsiga hoose/Dhexe ee Bacaadweyn
23/09/2022
Bahda dugsiga hoose/Dhexe ee Bacaadweyn oo hambalyo udiraya labada Ardey ee loo doortey Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenka ardeyda dugsiga sare ee Bacaadweyn
Oo kala Mr Yuusuf geele Gaad-ruug oo loo doortey gudoomiye iyo mrs Maryan Abdirahman oo loo doortey gudoomiye ku xigeenka
-dheh
-saar
21/05/2022
Halkaan kala dag Jadwalka Fasalka Siddeedaad Ee Imtixaanka Shahaadiga ah ee dawladda Puntland
09/05/2022
Waxaa dugsiga Si habsami leh Uga socda maalinkii saddexaad Imtixaanka kalka Labaad sanad dugsiyeedka 2021-2022
Guul baan u rajaynaynaa ardeyda
30/03/2022
Alle ayey mahad oo dhan u sugnaatay : Taran aqooneedka Kadis oo dugsiga ka socday Ayaa lasoo gabagabeeyey shalay galab oo taariikhdu ahayd 29-Maarso
TartanKan ayaa lasoo bilaabay 1-September 2021 wuxuu si qurux badan usoo dhamaaday 29-maarso 2022
Waxaana ku tartamayay dhammaan Fasalada dugsigu ka kooban yahay . waxaana Ugu dambeyntii tartanka( Fiinaalaha ) isla soo gaarey Fasalada 7aad vs 5aad A
Waxaana Tartan Aqooneedka Kadis ku guuleystay Sanad dugsiyeedka 2021-2022 Fasalka 7aad
Maamulka Dugsiga iyo Macalimiinta oo si qurux badan u abaal mariyey Fasaladii isla soo gaaray k**a dambayska Tartanka
Gudiga Tartan Aqooneedka Kadis oo Juhdi dheer Kusoo bixiyey TartanKan inuu heerkan soo gaaro Alle ka sokow
Bashiir Maxamed Cismaan
Yuusuf Cismaan shiil
Iyo macalimiinta Kale oo iyaguna qayb lixaad leh ku lahaa tartanka
mention ☑️ Comment ☑️ Zhre ☑️ like
15/03/2022
Debate: Agriculture is better than trade:
Sawiro: dood dhex martay ardayda fasalka 5aad ee dugsiga hoose dhexe ee Bacadweyn.
Mawduuca dooda maanta wuxu ahaa beeraha ayaa ka wanagsan ganacsiga, guushu waxay ahayd barbaro/bareejo.
Dhawaan filo muqaalka dood-wadaagayasha.
Mention ☑️ like ☑️ Comment ☑️
10/01/2022
Waxay mahad oo dhan u sugnaatay ilaahay ( swt ) oo Maanta oo ay Taariikhdu ahayd 10 Janaayo 2022 Si habsanaan ah inoogu soo dhamaayey Imtixaanka kalka. 1aad. ( Mid-term Examination ) Sanad dugsiyeedka 2021-2022 Dugsiga hoose iyo kan dhexeba
Waxaan Guul iyo natiijo wanaagsan urajaynaynaa dhammaan Ardeyda
Mention ☑️ like ☑️ Zhre ☑️ Comment ☑️
18/11/2021
Sawiro: Munaasibad daabuurka lagu abaalmarinayey ardaydii kaalmaha h**e ka galay imtixaan bileed laga qaaday ardayda Dugsiga
Our motto: one child, one teacher, one book, one pen can change the world.
Zhre ☑️ Comment ☑️ like ☑️
10/11/2021
Taran aqooneedka kadis oo maraya wareegiisii saddexaad
Waxaa galabta tartamey Fasalada 8aad iyo 7aad
Tartankan oo ahaa mid xiiso leh oo ardaydu kusoo bandhigeen cilmigii ay barayaashooda ay Ka dhaxleen
Waxaa tartankan ay guushu raacdey fasalka 7aad
. Aqoon la'aani waa iftiin la'aan
15/09/2021
Photos from Bacaadweyn Primary school's post
15/09/2021
Tartan aqooneedka kadis oo galabta oo Arbaca ahayd Ay Ku tartameen Fasalada 5aad A. iyo 6aad
Tartankan oo ahaa mid xiiso iyo xamaasadiisa wata oo ay ardeydu kusoo bandhigayeen aqoontii labarey
Waxay guushu raacdey fasalka 5aad A
. .
15/09/2021
Macalimiinta dugsiga oo maanta qaatey talaalka ka hortaga Cudurka Covid 19
12/09/2021
Koobka tartanka dugsiga oo furmey maalinimadii khamiista ahayd
Tartankan oo ay fasaladu isu wajihi doonaan si arag ah dhammaantood
Khamiistii waxaa wada ciyaarey Fasalada 8aad iyo 5aad B
Ciyaartan oo ahayd mid xiiso gooniya leh ayaa kusoo idlaatey 8aad : 8 :2 5aad B
Jadwalka halkaan ka daalaco
Mention ☑️ Zhre ☑️ Comment ☑️ like ☑️
04/09/2021
Inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun naf walba geerida way dhadhamin Alle hau naxariisto Aabihii Waxbarashada Deegaanka Bacaadweyn ahna Aasaa sayaasha waxbarashada deegaanka Bacaadweyn
Tacsi : maamulka, macalimiinta , waalidiinta iyo ardeyda Dugsiga hoose/Dhexe ee Bacaadweyn waxay tacsi tiiraanyo leh udirayaan Ader warsame kaarshe oo ku geeriyooday deegaanka Bacaadweyn
Alle janadiisa haka waraabiyo anaga Samir iyo Iimaan Alle hanaga siiyo dhamaanteen.
01/09/2021
Maanta Oo ay taariikhdu ahayd : 1da September 2021 Waxaa Dugsiga ka furmey Tartan aqooneedka Kadis oo ay Ku tartami doonaan dhammaan Fasalada dugsiga oo idil
Waxaa galabta tartankan is wajahey Fasalada 8aad vs 5aad B
Tartankan oo ahaa mid xiiso gooniya leh oo ay ardaydu kusoo bandhigeen wixii ay barteen mudadii koobneyd OO dugsigu furmaa Sanad dugsiyeedkan 2021-2022
Tartanku wuxuu kusoo dhammaaday barbar dhag Dhibcaha ay kala heleen waxay ahaayeen min 18 dhibcood
Mention ☑️ like ☑️ Zhre ☑️ Comment ☑️
24/08/2021
Guul wacan dhammaan ardeyda reer Puntland : Natiijo miro dhal ah baan urajeynaynaa Isha aalh
22/08/2021
Tartan-aqooneedka kadis oo dugsiga ka furmi doona maalinimada Arbacada oo ay taariikhdu tahay :1 September 2021 .
Tarantankaan waxaa ku tartami doona Fasalada dugsiga Dhexe 5aad A , 5aad B , 6aad , 7aad iyo fasalka 8aad
Jadwalka tartanka hoos ka dheeho iyo shuruudaha laga doonayo tartamayaasha
Mention ☑️ like ☑️ Zhre ☑️ Comment ☑️
05/08/2021
Kulan Ay isugu yimaadeen Maamulka dugsiga, Macallimiinta iyo Waadiinta ardeyda ayaa maanta OO Khamiis ahayd ka qabsoomey dugsiga shirkaas oo looga hadlayey qodobadaan soo socda :
1) Tayeynta waxbarashada dugsiga iyo sidii h**ey loogu sii qaadi lahaa
B) Iyadoo dugsigu uu qaatey macalliin cusub
T) Wax kabadalka gudigii h**e ee dugsigu lahaa
2) Manhajka dugsiga oo la badalay :
B) ardeydu waxay wax ku baran doonaan luuqada Englishka
T)Iyadoo ay ardeydu la jaan-qaadi doonaan manhajka cusub
3) Inuu dugsigu shaqayn doono maalinta Khamiista labada galinba :
B) dugsiga waxa uu shaqayn jirey shan cisho laakiin hda waxaa lagu soo kordhiyey maalinta Khamiista
4) Sidii ay waalidiintu uga warqabi lahaayeen ilmaha waxbarta :
B) in ay kaantaroolaan ardeyda casharadooda kana war hayaan
T)in ay dhiirigaliyaan ardeyda natiijoo Fiican keenta
5)Akhlaada ardeyda in la dhiso
B) in laga ilaasho gabdhaha kuudadka sameysta
T)in la ilaasho wiilsha farta jarta ama surweelka isku dhajiya
J) in ay gabdhuhu sigisaanta aysan kasoo tagin
6) Dugsiga waxaa laga joojiyey mobilada smart phone :
B) ardeydigii lasoo gala waxaa laga haynayaa inta ka dhiman sanad-dugsiyeedka
:
Mention ☑️ like ☑️ Zhre ☑️ Comment ☑️
15/07/2021
Maalinimadii Isniinta ah 05-july-2021 Waxaa dugsiga ka qabsoomay shir looga hadlayey Dayactirka & Qalabeynta dugsiga Waxaana shirkaas kasoo qayb-galay Maamulka , Gudiga iyo Waalidiinta ardeyda
Ugu dambayntii shirku wuxuu kusoo dhamaaday layskuna afgartey in si Wadajir ah looga wada qayb-qaato Dayactirka iyo Qalabeynta dugsiga
Mention ☑️ Zhre ☑️ like ☑️ Comment ☑️
06/05/2021
Maanta oo ay Taariikhdu ahayd: 06-may-2021
Waxaa dugsiga lagu soo gaba-gabeeyay Imtixaankii kalka 2aad ( Final Examination )
Imtixaanka oo socday lix cisho @@@
Maamuulka iyo Macalimiintu waxay ardeyda urajeynayaan Natiijo miro dhal ah in ay Ka keenaan Imtixaankii ay galeen
.
06/05/2021
Shalay oo taariikhdu ahayd: 05/5/2021 Maalinimo Arbaco ah :
waxaa dugsiga ka qabsoomay Shir ay isugu yimaadeen Maamulka dugsiga iyo waalidiinta ardeyda
Waxaana looga hadlay hawlaha dugsiga :
Qoddobada shirkaas:
Shirkaas wuxuu ahaa mid wax walba laysla meel dhigey Waalidiintuna ay uriyaaqeen in ay Ka qayb-qaataan hawlaha dugsiga iyo wax walba oo maslaxada dugsigu ay ku jirto
. Balanteenu waa waxbarasho
01/05/2021
Maanta OO ay taariikhdu tahay 01-05-2021 maalinimo Sabti ah
Waxaa dugsiga ka bilaamay Imtixaankii kalka 2aad ( Final Examination ) Sanad dugsiyeedka 2020-2021
MAAMULKA IYO MACALIMIINTA DUGSIGU WAXAY ARDAYDA UFARIISANAYSA IMTIXAANKA URAJAYNAYAAN IN AY KA GUUL GAARAAN IMTIXAANKOODA
'ADWEYN-PRIMARY_SCHOOL
🖕