Xog-maal media

waxaan diyaar u ahay inaan idinla wadaago warbixino sax ah iyo aragtidayda Shakhsiyadeed adna igu ta

Operating as usual

10/29/2020

Hantidiisa waxaa lagu khiyaasaa 40 bilyan oo doollar wuxuuna leeyahay 4 xaas wuxuu ku amraaa inay u soo gurguurtaan Raga iyo dumarka u shaqeeya... Waa Boqorka Thailand (Maha Vajirongkorn, )

Dabeecadaha qariibka ah ee Boqorka Thailand uu leeyahay waxaa kamid ah in uu eeygiisa lagu magacaabo "Phu Fu," ugu labiso dharka loogu talagalay Ciidanka Cerka ee Royal Thai, oo ay ku jiraan galoofisyada gacmo gashiga intaas waxaa u sii dheer in uu leeyahay Eyga kursi u gaar ah miisaska cashada iyo hab maamuus gooni ah

W /Q Yaasiin Barkhadle

Fadlan Share Dheh

10/03/2020



Arinta Sharoobada IBUGESIC ee la sheegay inay ku jirto quraaracad ama dhalooyin yaryar waa BEEN waxna k**a jiraan.

Page-yadii lasoo galiyay warkaas waa laga saaray Postigii. Waana soo arki kartaan.

Waa Kan Dr Xuseen Xaaji oo wax ka bartay dawooyinka guud oo sharaxaya Sharoobada Ibugesic. Waliba wuu tijaabiyay sida sawirka ka muuqata....

“Waxaa jiro waxyaabo yaryar oo u eg sida sokorta oo aad ku arkeysid markaad sharoobada adigoo aanan Ruxin aad ka daadiso Dhalada ay ku jirto”

“Balse markii aad si fiican u ruxdid dhalada ay sharoobada ku jirto aadan ku arkeynin waxyaabihii sokorta u ekaa ee markii h**e ku jiray, waana sababta Sharoobooyinka loogu soo dul qoro (Shake well before use) oo micnaheedu yahay (si fiican u rux ka hor inta aadan isticmaalin) “

“Haddii aadan ruxin wax dhib ah kaagama imaaneyso. balse in aad ruxdid ayaa fiican, sidaas darteed waxaan idin cadeynayaa in aysan haba yaraate waxba ka jirin arinta lagu sheegay in Sharoobada Ibugesic ay ku jiraan dhallooyin yar yar oo qatar ku ah nolosha caruurta loogu talo galay in qandhada looga jabiyo”

“Sharoobada Ibugesic waxey isugu jirtaa ama ka kooban tahay labo xanuun baabi’iye oo kala ah ibuprofen iyo paracetamol oo labaduba muhiim u ah in la siiyo qofka ama Canuga ay heyso qandhada. Waana dawo tayadeedu ama waxtarkeedu ay aad u heer sarreyso, canugii la siiyana ay si deg deg ah xumada (qandhada) ay uga jabto”

Fiiro Gaar Ah: Waxaa laga yaabaa arintaan faafinteeda ama buun buuninteeda in ay la xiriirto arimo ganacsi ama siyaasad balse isticmaalka Dawadaas oo si maalinle ah loo isticmaalo wax cabasho ah horay ugama imaanin, dhaqaatiirtana si joogto ah ayey u qoraan.

Wabillahi towfiiq. Dr Xuseen Xaaji

09/24/2020

AQRISO macluumaadyo laga yaabo inaadan ogeyn(waxbadan ogow)✍👍!!

1-Aktarka Caanka ah ee sunny Deol ayaa kubiiray siyaasada Wadanka Hindiya isaga oo kamid noqday Xisbiga Hada dalka haya ee BJB.

2-Maogtahay In Xayawaanka Diinku uu noolaan Karo Mudo 20 beri ah isaga oo aan waxba cunin waxbana Cabin.

3-Cilmi baaris lasameeyay ayaa lagu ogaaday in Dadka caqliga badan ay yihiin dadka ugu Farxada iyo dhoola cadeynta badan caalamka.

4-Maogtahay in Micnaha Pakistan uu micnihiisu yahay (dhulkii Daahirka ahaa).

5-Maogtahay in Aktarka Soomaaliyeed ee Barkhad abdi inuu ku guuleystay abaal marinta weyn ee Oscar.

6-Malabku waa cuntada kaliya ee aan qurmin ama aan isbedelin abid

7-Maogtahay In qofka guuldarada badan inuu mustaqbalka noqdo qof guusha udhow,hadaba hadii aad guuldareysatid ha niyad jabin

Hadii aad akhrisay like saar soona qor lambarka aad kaheshay

Fadlan Walaal walaalaha kale ee aan akhrin si ay uakhristaan

Cabdiraxmaan ciro

09/20/2020

AQRISO macluumaadyo laga yaabo inaadan ogeyn (waxbadan ogow)✍👍!!

1-Ma'ogtahay in jeff Bezos oo ah ninka ugu hantida badan dunida uu ka dhaqaalo badan yahay inka badan 150dal oo dunida ah hantidiisuna waa 200billion.

2-Ma'ogtahay in cayayaanka duqsigu/tixsigu uusan lahayn wax xasuus ah waana sababta meeshii laga ceyriyo uu dib ugu soo laabto isla markiiba.

3-Ma'ogtahay in goroyadu ay saacadii ku socoto xawaare 70km ah.

4-Ma'ogtahay in gabdhaha shaqaalaha ka ah diyaaradaha ay khasab ku tahay inay marwalba dhoolacadeeyaan xitaa hadii ay murugeysan yihiin.

5-Ma'ogtahay in wadanka india uu yahay wadanka diimaha ugu badan laga caabudo.

6-Ma'ogtahay in ninkii ugu h**eeyay ee gabayada ku bilaaba "hoyaalayeey hooye" uu ahaa raage ugaas

7-Ma'ogtahay in qofka fekerka badan uu ka caqli badan yahay kan aan fekerka badneyn,{fadlan walaal marwalba facebook geyga Cabdiraxmaan Ciro kala soco qoraalo faa'ido leh}.

Hadaad akhrisay like👍 saar soona qor lambarka aad kaheshay

Fadlan karee oo lawadaag walaalaha kale si ay uakhristaan

Qalinkii: cabdiraxmaan ciro✍

09/11/2020

Afka somaliga maxaad ka taqaan?

Taariikhda qoraalka far-Soomaaliga

Af Soomaaligu waxaa uu ka mid yahay luuqadaha Geeska Afrika kuwa ay ku hadlaan dadka ugu tiro badani. Dadka Soomaaliyeed ee ku hadlana waxay ku dhaqan yihiin deegaan aad u baaxad weyn oo u dhexeeya gacanka Tojorra ilaa iyo webiga Tana ee Waqooyiga Kiiniya.
Inkastoo af Soomaaliga ay ku hadlaan dad tiradaas leh ee ku baahsan dhulka baaxadaas ballaadhan leh, haddana qoraal rasmi ah oo ay dadka Soomaaliyeed ku dhaqmaan wuxuu yeeshay 1972 dii. Muddadii intaas ka horreysay qoraalada ay dadweynaha Soomaaliyeed ku wada xidhiidhaan wuxuu ahaa luuqadaha Carabiga, Ingiriisiga iyo Talyaaniga.
Si arrintaas loo xaliyo waxaa la isku dayey inay wax ka qabtaan aqoonyahano Soomaali iyo ajinebi isugu jira. Tusaale ahaan, sannadkii 1961 dii waxaa la soo hor bandhigey Guddiga Luuqadaha (Linguistic Commission) 18 nooc oo Af Soomaaliga loo qori karo (scripts). 11 farahaas ka mid ah waxay ka mid ahaayeen faro cusub oo ay aqoonyahano Soomaaliyeed allifeen. Toddobada soo hadhayna 4 ka mid ahi waxay adeegsadeen farta Carabiga, halka ay 3 da kale ku salleysnaayeen qoraalka Laatiinka.
Muddadii ka horreysay 1972 dii oo ahayd, sida aan kor ku soo xusnayba, markii xukuumada Soomaaliyeed soo saartey go’aankii qoraalka la aqoonsan yahay ee af Soomaaliga waxaa aqoonyahanada dersa af Soomaaliga ka dhex alloosnaa dood aad u kulul oo ku aadaneyd nooca qoraalka loo aqoonsanayo af Soomaaliga (Official Somali Script). Run ahaantii, dhibaatada taalay ee marnaba suurto gelin weyday in la helo go’aan la isku raacsan yahay waxay ahayd fikirka iyo aragtiyada ay qeybaha bulshaddu ka qabeen arrinkaas oo aad u kala fogaa. Aqoonyahanada hormuudka ka ahaa araa’daa kala duwan waxaa ka mid ahaa: Yaasiin Cismaan Kenediid, Shire Jaamac Axmed, Ibraahim Xaashi Maxamuud, Xuseen Sheekh Axmed Kadare iyo qaar kale oo badan. Sidaas daraadeed, waxaa aynu odhan karnaa dadaal ma yareyn, laakiin waxaa jirtey dood la soo af jari kari waayey.
Waxaa iyana intaas dheeraa sababo kale oo dhawr ah oo loo aaneyn karo qoraal la’aanta af Soomaaliga. Tan koowaad waxaa la odhan karaa waxaa aan xil weyn iska saarin hirgelinta qoraalka far Soomaaliga xukuumadihii gumeysiga ee Ingiriiska, Faransiiska iyo Talyaaniga. Mida labaad waxay ahayd dadweynaha Soomaaliyeed oo u arkayey in la isticmaalo far aan ahayn tan Carabiga inay diinta Islaamka lid ku tahay. Tusaale ahaan, wax yar ka hor Dagaalkii Labaad ee Adduunka waxay Waaxda Waxbarashadda ee maxmiyada Ingiriiska ee ka jirtey gobolada waqooyi isku dayday inay hirgeliso qoraal farta Soomaaliga ah oo ku salleysan xuruufta Laatiinka.
Waxa ay taasi dhalisey in kacdoon ballaadhani uu ka dhaco magaalada Burco. Halkaas oo dhagax lagu dili gaadhey labadii sarkaal oo ka tirsanaa Waaxda Waxbarashadda. Dadkuna waxayku dhawaaqayeen erayada ah “Laatiin waa La’ Diin”, taas oo macnaheedu yahay “Laatiin waa diin la’aan.” Waxaa dagaalo aad u kulul iskaga hor yimid shacab weynihii mudaharaadka dhigayey iyo ciidamadii booliiska ama amniga. Taas oo dhalisay in dib looga noqdo mashruucaas isaga ah. Tan saddexaad, waxaa iyana wax laga saari karaa qoraal la’aanta af Soomaaliga isticmaalka luuqadda Carabiga oo Soomaalidu aad ugu adeegsan jirtey dhinacyo badan oo ku aaddan adeegyada bulshadda iyo arrimaha ijtimaacdiga ah, sida arrimaha shareecada, ganacsiga, iwm. Taas oo malaha dhalisay inay yaraato baahida loo qabo qoraal af Soomaali.
Haddaba, qoraalkan waxaanu si kooban ugu soo bandhigi doonaa taariikhda qoraalka af Soomaaliga oo maanta Soomaalida badankeedu aanay wax badan ka aqoonin, khaas ahaan intii dagaalad sokeeye dhaceen oo qoraalo badan iyo aqoon badan oo af Soomaaliga ku aaddaniba ay lumeen.
QORAALADA AY SOOMAALIDU ALLIFEEN
(THE NATIONAL SOMALI SCRIPTS)
Sida aynu h**ey u soo tilmaaney, waxaa Guddiga Luuqada ee 1961 kii la soo hor dhigay 11 farood (11 scripts) oo luuqada Soomaaliga lagu qori karo oo ay aqoonyahano Soomaaliyeed allifeen. Guddiga luuqadu waxaa ay soo bandhigeen 17 qoddob ama shuruudood oo lagu qiimeeyo far kasta oo la soo hor dhigo (kuwaas oo aynu ku soo qaadaa dhigi doono qeybaha dambe ee qoraalkan). Hase yeeshee, waxaynu halkan ku soo qaadan doonaa saddex ka mid ah farahaas oo aan ku eegi doono dhinacyada taariikhda, sida ay caanka uga noqdeen iyo qoddobo kale oo muhim ah. Laba ka mid ah farahaas waxay Guddigii Luuqada ee 1961 dii ku tilmaameen inay buuxin kari waayeen shuruudihii iyo qoddobadii ay u dhigeen inay ku qiimeeyaan faraha kala duwan ee la soo hor dhigay.
Saddexda far Soomaali ee aynu qoraalkan ku soo qaadanaynaa waxaa ay kala yihiin:
1. Qoraalka farta Soomaaliga ee uu allifey Cismaan Yuusuf Kenediid 1920 dii. Qoraalkaas waxaa loo yeqaanaa Cusmaaniya,(waxaana loogu magac daray ninkii allifey oo Cismaan la odhan jirey), waxaa mararka qaarkoodna la dhihi jirey Far Soomaali (Somali Script).
2. Qoraalka farta Soomaaliga ee uu allifey Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Nuur 1933 dii oo loo yeqaano Far Gadabuursi (Gadabuursi Script), waxaana loogu magac daray qoyskii uu ka dhashay.
3. Qoraalka Far Soomaaliga ee uu allifey Xuseen Sheekh Axmed Kadarre 1952 dii oo iyana loo yeqaano Fartii Kaddariya (Kaddariya Script), waxaana loogu magac daray ninkii allifey oo Kaddare lagu naaneyso.
CUSMAANIYA (FAR SOOMAALI)
Farta Cismaaniyadu waxaa weeyaan farta ugu da’da weyn uguna caansaneyd faraha ay Soomaalidu allifeen, amase aynu ugu yeedhi karo Faraha Waddaniga ah (National Scripts). Cusmaan Yuusuf Keenadiid oo ahaa ninka allifey fartan waxaa uu dhashay 1898 kii. Waxaa uu ka mid ahaa 4 wiil oo uu dhalay suldaankii Hobyo Suldaan Cali Yuusuf Keenadiid. Cismaan wuxuu ahaa nin aqoon u leh Luuqadaha Carabiga iyo Talyaaniga. Waxaa intaa u dheeraa isaga oo ahaa gabayaa iyo suugaan yahan. Markii h**e waxaa uu Cismaan isku dayey inuu af Soomaaliga ku qoro xuruufta af Carabiga. Laakiin arrintaas wuu ku qanci waayay. Gaar ahaan markii xarfaha Carabiga uu ka waayey qaar matali kara dhawaaqyada gaarka u ah luuqada Soomaaliga.
1920 kii Cismaan waxaa uu soo bandhigay far Soomaali uu isagu allifay oo runtii wax weyn ku soo kordhisay horumarinta af Soomaaliga. Fartanu waxaa ay markii ugu horreysayba suurtogelisay in la helo shaqalo iyo xuruuf lagu qori karo dhammaan lahjadaha iyo dhawaaqyada af Soomaaliga. Intii aan la qaadan Far Soomaaliga aynu hada isticmaalo, waxay farta Cismaaniyadu ahayd tan ugu caansan faraha af Soomaaliga ah ee jirey. Waxaa sannadihii lixdamaadkii isticmaali jirey dad lagu qiyaasay 50,000 oo qof. Waxay dadweynaha fartan yeqaana u isticmaali jireen in lagu wada xidhiidho laguna keydiyo qoraalada af Soomaaliga.
Waxaa jira qoraallo fara badan oo fartan ku qoran oo ay haystaan shakhsiyaad gaar ahi (private collections), oo ay qaar ka mid ah leeyihiin muhimad suugaaneed iyo mid taariikheedba. Fartani waxay ka kooban tahay 41 xaraf oo nooc ka mid ah leeyahay daabacaad (printing and no cursive writing). Waxaa laga bilaabaa qoraalkeeda dhinaca bidixda (from left to right), waxayna leedahay qoraalkeeda tirada (numerals). Guddiga Luuqada ee 1961 dii waxaa uu fartan ku tilmaamay inay leedahay 7 qoddob oo faa’iido ah iyo 10 dhalliilood. Arrintaasina waxay keentay in lagu taliyo inaan fartan la qaadan.
Macluumaad dheeraad ah oo fartan ku saabsan waxaa laga heli karaa qoraalada uu diyaariyey B.W. Andrzejewski oo loo yeqaano Macallin Guush oo ku jira buugga la yidhaahdo Handbook of Somali Studies, oo uu isku dubbariddey Charles L. Geshekter iyo qoraalo kale oo ay diyaariyeen Manio, Maria: La Lingua Somala: instrumento D’insegnamento professionale. Alessandria, Italy: Ocella, 1953 iyo Moreno Mario Martino. Il Somalo della Somalia. Rome: Instituto Poligrafico dello Stato, 1955.
FARTA KADDARIYA
Fartan waxaa soo saaray Xuseen Sheekh Axmed Kaddare sannadkii 1952 dii. Xuseen waxaa uu ahaa nin dhallinyar oo aad u firfircoon oo ka tisanaa shaqaalihii Raadiyo Muqdisho. Markii dambena, waxaa uu noqdey madaxa qeybta af Soomaaliga ee Akademiyadii Cilmiga iyo Fanka (Somali Academy of Sciences and Arts).
Farta Kaddariya sida tan Cusmaaniyada maaysan noqon mid caan ah ama mid ay dad badani aad u yeqaano. Laakiin, waxaa ay leedahay qiimaheeda taariikhiga ah. Fartan ma yeelan makiinado iyo qalab lagu garaaci karo (typewriters and printing machines) iyo qoraallo fartan ku soo baxay. Fartani waxay ka kooban tahay 41 xaraf iyo afar nooc oo loo qoro. Qoraalkeeda waxaa laga bilaabaa dhinaca bidixda una socotaa dhinaca midigta (from left to right). Fartan markii loo gudbiyey Guddigii Luuqadaha ee 1961 dii waxaa ay soo jeediyeen in dhawr waxyaabood dib loogu noqdo. Kedib markii arrimahaas la soo dhammeystireyna waxay guddigi ku qiimeeyeen inay kaalinta labaad gashay (waxaa ay ku xigtey tan isticmaasha xuruufta Laatiinka oo kaalinta koowaad gashay oo uu soo gudbiyey Shire Jaamac Axmed).
FARTA GADABUURSI
Taariikhdu markii ay ku beegneyd 1933 dii Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Nuur oo ka dhashay qoyska Reer Ugaas ee qabiilka Gadabuursiga ayaa waxaa uu allifay Far Soomaali, markii dambena loogu magac daray qabiilkiisa. Sheekh Cabdiraxmaan waxaa uu ahaa nin wadaad ah oo aqoon fiican u leh diinta Islaamka. Waxaa uu macallin diinta Islaamka dhiga ka ahaa Waaxda Waxbarashadda ee Maxmiyadii Ingiriisiga ee Waqooyiga Soomaaliya. Waxaa uu markii dambe Qaadi ka noqdey magaaladda Boorame, jagadaas oo uu aabbihii uga dambeeyey. Fartaas uu Sheekh Cabdiraxmaan soo saarey waxay ka mid ahayd farihii la soo hor dhigay Guddiga Luuqada.
Fartani waxay ahayd mid ay dad aad u tiro yari yeqaanaan, isla mar ahaantaasna, aysan dadka badankii maqalba. Sidaas darteed, daraasaad badan iyo wax horumar ah laguma sameyn sida tan Cusmaaniyada. Hase ahaatee, waxay leedahay qiimaheeda taariikhiga ah. Fartan markii la hor dhigay Guddigii Luuqada ee 1961 dii, waxay ku tilmaameen inay leedahay 5 qoddob oo faa’iido ah iyo 12 cilladdood. Taasina waxay keentay in lagu qanci waayo sidii tii Cusmaaniyada oo kale.
Faraha kale ee ay Soomaalidu alliftey ee la soo hordhigay Guddiga Luuqada waxaa kala qorey: Cabdulqaadir Cadde Muunye (1961), Mustafe Sheekh Xasan (1951), Daa’uud Maxamed (1928), Cali Sheekh Cabdullaahi qutbi (1952), Xuseen Xaashi Halak (1960), Maxamed Jaamac Salaad (1960), Qaasim Hilowleh (1960) iyo Maxamuud Axmed Maxamed (1961). Farahan wax qoraalo ah oo badan lagama hayo. Meesha qudha ee lagu xusayna waxaa weeyaan Warbixintii Guddiga Luuqada ee 1961 kii.
Warbixintaas waxaa ku qoran xuruufaha farahaas iyo shakhsiyaadkii soo saaray. Hase ahaatee, ma cadda sida xarfaha loogu dhawaaqo. Dhammaan farahaas kala duwani waxay caddeynayaan sida shakhsiyaad badan oo Soomaaliyeed ay isugu mashquuliyeen inay allifaan far Soomaalida u gaar ah. Waxa ay dhammaantood wadaagaan iyaga oo isku dayay inay aad uga fogaadaan farihii jirey. Arrintaasi run ahaantii waxay keentay wareer badan iyo xarfaha qaarkood oo isu ekaadaan. Cilladda ugu weyni waxa ay ahayd iyaga oo aan midkoodna isticmaali karin makiinadihii iyo qalabkii daabacaadda ee waddanka yaalay.

XIGASHO:Somaliedu.net

07/25/2020

Odhaahyada iyo murtiyaha qosolka leh ee laga hayo ama loo tiriyo in uu yidhi Robert Mugabe:

1: “Doqonimadu waa adiga oo mayd kilkileeya; naxdintuna waa isaga oo kugu soo kaca.”

2: “Haddii aad ka hesho gabadh, u tag una sheego, ha sugin inta ay sawirkeeda soo dhigayso adna aad ka bixisid fallo (wow wow wow), walaalkey adiga matihid ambulance.”

3: “Dadka kubbadda daawadaa waa kuwa qosol leh, waxa aad maqlaysaa mid leh ciyaaryahan hebel baan intaas oo milyan soo siinay isaga oo aan xitaa haysan wax uu ku casheeyo.”

4: “Marka aad tahay qof buuran oo haddana sabool ah, waa xaalad aad u adag oo is dilka ka xun, waad gaajoonaysaa, dadkuna ma aaminayaan in aad gaajoonayso oo qaabkaaga iyo muuqaaga ayaa hodaya.”

5: “Haddii aan soo dhigo bartayda in aan joogo Dubai, wax yar kabacdina aad igu aragto aniga oo magaalada dhex socda, ha yaabin ee iska aamu labadeenuba Dubai ayeynu joognaaye.”

6: “Afrika waa mesha kaliya ee wiil san weyn uu gabadh ku yidhaahdo la'antaa ma neefsan karo.”

7: “Qof dhiirrigeliye ah haddii aad wayddiiso walaal sideen ku guulaystaa?
Waxa uu ku odhanayaa, ugu horreyn naftaada hel, tolow walaal xaggeen isku qarinayay.”

8: “Dad badan oo qaraabaddaada ahi kuma yaqanaan, sababtuna waa in aad faqiir tahay, laakiin marka aad lacag sameysato iyaga ayaa iskaa baridoona.”

9: “Waalidka Afrikaanku, waa waalidka inta ay ku garaacan, haddana ku wayddiinaya sababta aad la ooyayso.”

10: “Haddii la xidho meheradaha makeup-ka, carruur badan ma aysan aqoonsadeen hooyadood.”

11: “Dumarka la guursaday ee sawirrada qurxoonsoo galinaya facebook, halkeey ku arkeen alaab mar la iibsaday oo haddana la xayeysiinayo.”

12: “Haddaad guursato gabadh dhowr iyo soddon jir ah, waxa aad ka dhigan tahay adiga oo joornaalkii saaka so baxay fiidkii iibsanayaa.”

13: “Haddii aad jeclaato qof aan ku ogeen in aad jeceshahay; Taasi waxa ay lamid hahay, adiga oo markab ku sugaya airport meshii lagaa rabay dekadda.”

14: “Afrika waa meesha kaliya ee aad shaqo la'aan jogayso, illaa aad ka ilowdo kulliyaddi aad baratay.”

15: “Haddii aad aroosyo badan ka qayb gashay, walina aanad guursan, hoolka aroosyadu ka dhacaan waxba ma dhaantid.”

FG: Qof walba ugu yaraan hal arrin ayaa quseeysa, ee adiga qodobkee ku tabanaaya?😃

07/01/2020

Faa'iidoyinka ay wadaan.

Dhakhaatiir cilmibaareyaal ah ayaa waxay sheegeen shahwada ninka waxtarka ay u leedahay dumarka dhowr jaamacad ayaa daraasad ka samaysay saamayska biyaha ninka ay dumarka saameeyaan waxaa ka mid ah.

1- biyaha ninka naagta waxay siiyaan vitamiino badan oo keeni kara inay noqoto gabadha mid da’deeda aan laga dareemaynin waayo maqaarka ayay dhalaaliyaan kana ilaaliyaan dhuqnimada

2- xagga hurdada haweeneyda la qabo oo marwalba biya ay jirkeeda ku dhacaan waxay ka qaadaysaa hurdo macaan badan oo caafimaad leh

3- biyaha waxay ka ilaaliyaan ilmagaleen iyo gudaha xubinta taranka dumarka jirrooyin farabadan oo uu ka mid yahay kansarka

4- sidoo kale biyaha ninka haweenka waxay ku abuuraan dareen waayo waxay kor u qaadaan hormuunada haweenka.

5- biyaha ninka waxay naagta ka tegsiiyaan walwalka iyo fikirka marka ay jirkeeda ku dhacaan xuubka xubinta taranka ayaa ka dhuuqa borotiinada ku jira isla markii dhiigga ayay galaan

6- xanuunka jirka ayay u roon yihiin sida madaxa iyo dhabarka

7- sidoo kale biyaha ninka waxay siyaadiyaan difaaca jirka

8- sidoo kale caafimaadka wadnaha ayay u roon yihiin." style="max-width: 100%; display: block !important;">Biyaha raga faa’idooyinka ay wataan

Hadaba Guurka ku dadaala habloow

Photos from Xog-maal media's post 05/12/2020




Cawaale📸

Photos from Xog-maal media's post 05/05/2020

Ha iibsan Damiirkaaga, si loo dilo Sharafkaaga.
=========================
Xilligii gumaystihii Ingiriisku gumaysanayay Hindiya mida kamida saraakiishii Ingiriiska ayaa u gacan qaaday muwaadin Hindiyaan ah,
Muwaadinkii ayaa ugu jawaabay mid lamida yaddii uu gaarsiiyay, yaab iyo filan waa ayay Sarakaalkii ku noqotay sababta Muwaadin Hindiyaan ah ugu dhiiraday in uu u gacan qaado Sarkaal kamida saraakiisha Boqortooyada aanay qorraxdu ka dhicin ee Ingiriiska.

Sarkaalkii waxa uu aaday dhanka saldhigii ciidanka waxa uuna dalbaday in Muwaadinka Hinduuga ah lamarsiiyo ciqaab daran falka uu sameeyay aawadii, balse hogaamiyii sare ee ciidanka ayaa diiday dalabkiisii, waxa uuna u dhiibay 50 kun oo lacagta Hindiya laga isticmaalo ah, waxa uuna amray in uu Muwaadinka Hindiyaanka ah siiyo lacagta kana cudur daarto falkii uu kusameeyay.
Sarkaalkii aad buu uga xanaaqay amarkaa waxa uuna sheegay in isagu xaq u leeyahay raalli galin iyo abaal marin in la isugu daro.

Hogaamiyii guud ee ciidanka ayaa u sheegay sarkaalka in amarkani yahay amar ciidan qasabna ay ku tahay in uu qaato, sarkaalkii ayaa qaaday lacagtii waxa uuna u geeyay Muwaadinkii reer Hindiya waxa uuna ku yiri " Waxaan rajaynayaa in aad aqbali doonto cudurdaarkayga, waan ku dharbaaxay adiguna waad ii jawaabtay sidaasna waxaan ku noqonay labo siman aniga ayaase kaa qaldanaa, hoo Hadiyadan igana raalli ahoow"

Muwaadinkii ayaa aqbalay hadiyadii waxa uuna illaaway in uu ciidda dhulkiisa ku dharbaaxay gumayste haysta, lacagtii lagudoonsiiyay oo 50 kun oo lacagta Hindiya ee Rupee ahayd xilligaa waxay ka dhignayd lacag aad u badan,
sidaa daraadeed ayuu lacagtii waxa uu ku iibsaday Guri iyo Gaari qayb kalana waxa uu ku samaystay ganacsi waxa uuna kamid noqday hantiilayaashii dalka, balse waxa uu illaaway dharbaaxadii barigii walow aanu sarkaalkii wali illaawin jawaab celintii Muwaadinka.

Mudda kadib Hogaamiyihii sare ee ciidanka ayaa Sarkaalkii u yeeray, waxa uuna ku yiri " Maxasuusataa muwaadinkii Hindiyaanka ahaa ee ku dharbaaxay bari h**e"
Sarkaalkii ayaa yiri " Haa sideen ku illaawayaa taliye".
dabetana waxa uu u sheegay in lajoogo waqtigii uu aarsan lahaa, waxa uuna amray in uu raadiyo kuna hor dharbaaxdo dadkii magaalada horteeda.
Sarkaalkii ayaa ku jawaabay " isaga oo sabool ah kaligiina ah ayuu i dharbaaxay ee maanta oo uu Hodan yahay sumcad iyo ilaalo ciidanna uu leeyahay sow idili maayo"
Hogaamiyihii sare waxa uu ku yiri "qaado amarka dood la'aan".

Sarkaalkii ayaa dhaqaaqay waxa uuna Muwaadinkii dharbaaxay isaga oo shaqaalihiisii hor fadhiya, uma uusan jawaabin ee hoos ayuu eegay waana uu ka aamusay, sarkaalkii oo arrintan aad ula yaabay
ayaa u sheegay Hogaamiyihii wixii dhacay,
Hogaamiyihii sare oo dhoollacadaynaya ayaa ugu jawaabay " Markii h**e ee uu kuu jawaabay waxa uu difaacanayay sharaftiisa waayo waxay ahayd waxa ugu qaalisan ee uu haystay, haddase sharaftiisii ayuu ku iibsaday shilimaad yar, waxa uuna haystaa maal uu kabaqayo in uu waayo haddii uu isdifaaco, waxaad kalood hilmaansiiday xaqii uu u lahaa in uu dalkiisa gumayste ka difaaco".

waxaad ka fahantay nala wadaag, asxaabtaadana usii sharegaree.

W/Q:- H. Qadar

Photos from Xog-maal media's post 05/04/2020



Bali-docol buhodle cayn.

05/04/2020



Buntland oo maanta xaqiijisay 8 xaaladood oo cusub.

Photos from Xog-maal media's post 05/04/2020

Wiil Soomaali ah oo ku sugan magaalada Muqdisho, ayaa sameeyay mishiinka neefsiiyaha ah ee loogu talo-galay dadka bukaannada ah.

Maanta ayaa bukaankii ugu horreeyay uu ka faa'idaystay mishiinkan uu sameeyay injiineerka da'yar.

Khalid Foodhaadhi

05/04/2020

Diyaarad nooca yaryar ah ayaa goordhaweyd ku dhacday garoonka doyaaradaha ee magaalada Bardaale ee gobolka Baay.

Mas'uul ka tiran shirkadda diyaaradaha African Express ayaa idaacadda VOA u sheegay in diyaaradda shilka gashay ay shirkaddu leedahay, isla markaana ay daawooyin gaysay magaalada Bardaale ee gobolka Bay.

Sababta ay usoo dhacday diyaaradda ayaan ilaa hadda si cad loo sheegin.

Dad afar ama shan qof ah ayaa la sheegay inay diyaaraddaas saarnaayeen kuwaas oo la sheegey in ay dhinteen.

Mohamed slh

05/04/2020



04 May 2020: Warbixinta COVID-19 ee Soomaaliya

> Laga Helay: 34
> Benadir: 27
> Puntland: 7

> Lab: 26
> Dhedig: 8
> Bogsasho: 17
> Dhimasho: 3
--------------------------------
> Tirada Guud Laga Helay: 756
> Bogsashada Guud: 61
> Dhimashada Guud: 35

Photos from Xog-maal media's post 05/04/2020



SANAAG SOMALIA

05/03/2020



11 qof oo laga baaray cudurka Covid19 ayaa laga helay 7 kamid ah, lab waxaa ah 5 ruux sidoo kale dhedig waxaa ah 2 ruux.
11-kan qof ayaa tirada guud ee dadka cudurku haleelay ka dhigaya 31 qof guud ahaan Puntland.

Dhimashadu waa hal ruux, wax bogasasho ah se ma jirto.

05/03/2020



03 May 2020: Warbixinta COVID-19 ee Soomaaliya

> Laga Helay: 51
> Benadir: 37
> Puntland: 12
> Galmudug: 2

> Lab: 32
> Dhedig: 19
> Bogsasho: 10
> Dhimasho: 1
--------------------------------
> Tirada Guud Laga Helay: 722
> Bogsashada Guud: 44
> Dhimashada Guud: 32

05/03/2020

AQRISO Madaxweyne Erdogan. Maxaan abaalkiisa ku gudi karnaa ? 👍

• ABAARTII 2011

Wuxuu yimid xili abaar xun ay ka jirtay Somaliya. 10 kun oo qofood ayaa qarka u saarneeyd inay dagdag abaar ugu dhintaan

2011 ma jirin hal wasiir oo dal kale kasocda oo ku dhiiran karay inuu Muqdisho imaado iska daa madaxweyne.

• INA KEENA AAN AADNEE MUQDISHO

Madaxweyne Racep Tayyib Erdogan isagoo horay u wada gargaar culus iyo ganacsato ayuu yimid Muqdisho.

Wuxuuna Caalamka tusay in Somalia la imaan karo. Isagoo abaartii kululeed nagala qeyb qaatay si hagar la’aan ah

• SAFAARADII UGU WEYNEED ADUUNKA

Wuxuu Muqdisho ka furtay Safaaradda ugu weyn caalamka ee Turkiga ku leeyahay aduunka. Waana mid kamid ah safaaradaha ugu quruxda badan caalamka

Isbitaalo ayuu ka dhisay Somaliya iyo wadooyin adag. Sidoo kale wuxuu maalgaliyay dekadda iy garoonka Aden Cadde

• SALDHIGA UGU WEYN TURKIGA

Isla Muqdisho ayuu ka furtay saldhiga ciidanka ee ugu weyn Turkiga ku leeyahay dunida. Kaas oo ay kasoo baxaan ciidamo Somaliyed oo aad u tababaran

• WAQTIGA AAD II BAAHATAAN

Erdogan wuxuu Somaliya markasto usoo diraa diyaarado gargaar, waliba waqtiga loo baahan yahay.

Madaxweyne Racep wuxuu ku caanbaxay in marka Somaliya dhibaatado ama qaraxyo ay ka dhacaan inuu diyaarado dagdag ah u soo diro si dhaawacyada Turkiga loogu soo qaado.

• BISHAAN KALIYA

Inka badan 3 gargaar ayuu bishaan Erdogan usoo diray Somaliya si ay uga hortagaan cudurka Coronavirus.

Sidoo kale Madaxweynaha Turkiga ayaa bajad gaar ah ku bixiya sidii loo dhisi lahaa, loona heli lahaa ciidan adag oo Somaliya leedahay.

• WAAN JECLAHAY SOMALIYA

“Waxaan jeclahay Somaliya” markasto ayuu hadalkaas dhahaa. Markii ugu dambeeysay uu dhahay waxey ahayd October 2019.

• MUSIIBADII ZOOBE IYO ERDOGAN

Erdogan waxaa si weyn loogu xasuustaa weerarkii Zoobe 2017. Dowladiisa waxey waqtigaas sameeysay wax kasto oo ay u sameen kareen shacabka Somaliyed

• ABAALKIISA SIDEE KU GUDI KARNAA

Please Qormadaan qiimaha badan share garey si meel kasto u gaarto, loona ogaado in Somalida abaal weyn u hayaan Geesi Erdogan.

Madaxweyne Erdogan Abaalkiisa ma aqaan sida Somalida ugu gudi doonaan abaalkiisa. Allaha xifdiyo geesiga islaamka

Taageero u muuji qormada aan ka qoray madaxweynaha Turkiga iyo geesiga islaamka Racep Tayib Erdogan.

Waxaa Qoray: Idris Abdulkadir

Want your school to be the top-listed School/college in San Bernardino?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Videos (show all)

Location

Category

Telephone

Address

San Bernardino, CA
Other Tutors/Teachers in San Bernardino (show all)
Relevantword Relevantword
San Bernardino, 92404

Teaching Ministry

MaDo's Online Tutoring MaDo's Online Tutoring
San Bernardino

ENGLISH *Communication/Spoken/American Accent

Dr. Angela Clark Louque & Associates LLC Dr. Angela Clark Louque & Associates LLC
San Bernardino

With over 30 years of experience in higher education, Dr. Angela Clark-Louque has transformed the li

Tiny body BIG MIND Tutoring Tiny body BIG MIND Tutoring
San Bernardino, 92408

Private Traveling Tutor, Home School Aide & Educator

Best Brains Warm Springs Best Brains Warm Springs
46923 Warm Springs Boulevard #205
San Bernardino, 94539

Best Brains is an enrichment program for ages 3-14 designed to enhance your child's overall academic development. Board-certified teachers work with your child on a weekly basis. At Best Brains, we offer programs for Math, English, Abacus, G.K. and more!

Mr. Clyde Mr. Clyde
San Bernardino

Educator in the San Bernardino City Unified School District.

Savo Kosic Savo Kosic
180 E Baseline
San Bernardino, 92410

Contact me for the following interests: Hypnotherapy Sessions Coaching Sessions Consulting RTT Ses

Tall Guy Mathematics Tall Guy Mathematics
San Bernardino, 92404

The Tall Guy: Get your question answered for the same price as a grande size frappe

The San Bernardino Valley Chapter of The Links, Incorporated The San Bernardino Valley Chapter of The Links, Incorporated
P. O. Box 7700
San Bernardino, 92411

The San Bernardino Valley (CA) Chapter of The Links, Incorporated

Bhikkhu Vijayadhamma Bhikkhu Vijayadhamma
San Bernardino

I am a Theravada Buddhist monk. I try to live with meditation of insight, concentration, mindfulness

Academic Success Centers Academic Success Centers
701 S. Mount Vernon Avenue
San Bernardino, 92410

We are here to help you succeed at San Bernardino Valley College by providing academic support, free