01/10/2024
Maamulka, Macallimiinta iyo Dhammaan Bahda Dugsiga Safa - Ceerigaabo. Waxay hanbalyo u dirayaan laba ka mid ah Barayaasha Dugsiga oo barri ka qalin beddalan doona Jaamacadda Sanaag University.
Guulaysta Ustaad Cawil Jaanbiir iyo Ustaad Maxamed Abdulaahi Iidle, Cilmigiina mid barako leh alle ha idiinka dhigo.
27/06/2024
Maammulka Dugsiga hoose, dhexe iyo sare ee Safa ayaa maanta sagootiyey ardayda fasalka Afaraad ee dugsiga sare. Maammulka ayaa duco, dardaaran iyo talo isugu daray ardayda maanta soo gunaanaday waxbarashadii ay muddada dheer ku soo gudo jireen.
Ugu danbay Maamulaha Dugsiga ayaa guud ahaan ardayda u rajeeyey guul waarta, kulana dardaarmay in aanay ka gaabin asaagood.
Guuleysta dhammaantiin.
__________
-June, 2024.
01/08/2023
DUGSIGA H/DHEXE IYO SARE EE SAFFA.
Maamulka dugsiga Saffa waxa uu bulshada reer ceerigaabo ku wargelinayaa in dugsigu laga bilaabo 5/8/2023 uu furan yahay isla jeerkaana ay bilaabatay qabashada ardayda cusub ee sannad dugsiyeedka 2023/2024
Fasallada la qaadanayo
*Dugsiga Hoose* Dhammaan
*Dugsiga Dhexe* Fasalka Shanaad iyo Lixaad.
*Dugsiga Sare* Fasalka koowaad ee Sare
Wixii faah faahin ah kala xidhiidh
090 7791024 / 063 4206299
H**e u gaadh.